Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor Qoor oo soo dhoweeyay Shirka mar kale lagu ballamay Dhuusmaareeb

Recommended Posts

Deeq A.   
6-17.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa u mahadceliyay dhammaan Madaxdii heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee ka soo qayb-gashay Shirkii Dhuusamareeb oo ay martigelisay Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor waxa uu sidoo kale uga mahadceliyay Shacabka Galmudug kaalintii ay ka qaateen soo dhoweynta Madaxda iyo Qabsoomidda Shirka Dhuusamareeb isagoo bogaadiyay Heshiiska lagu gaaray Shirkaasi.

Sidoo kale wuxu soo dhoweeyay Shirka kale ee lagu ballamay isla Magaalada Dhuusamareeb kaasi oo sida qorshaysan furmi doona 15-ka bisha soo socota ee Agoosto si loo dhammaystiro hawlaha ka dhiman Geeddi-socodka Doorashada Madaxtinimada Dalka.

Mr Qoor Qoor ayaa xusay in mar kasta Xukuumadda iyo Shacabka Galmudug ay ka g’antahay Marti-gelinta Shirarka looga tashanayo Masiirka Dalka iyo Dib u-heshiisiinta Dadka Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo Khudbadda Qoor Qoor

  • 1-28.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-21.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-20.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-13.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-19.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-19.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-17.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8-15.jpg?w=1000&ssl=1
  • 9-14.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Qoor Qoor oo soo dhoweeyay Shirka mar kale lagu ballamay Dhuusmaareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this