Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo sheegay in la dhammeeyay Khilaafkii Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   
Heer-federaal.jpg?resize=1000%2C667&ssl=

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Khudbad ka jeediyay Shirkii Xalay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ugu soo xirmay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Shirkaasi lagu dhammeeyay Khilaafkii u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Madaxweyne Deni ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sida uu sheegay dulqaad iyo odaynimo ka muujiyay Shirka si loo dhammeeyo Khilaafka labada dhinac.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in ay Dalka ka dhacdo Doorasho wakhtigeeda ku qabsoonta oo dhammaan dhinacyadu heshiis ku wada yihiin islamarkaana si xor iyo xalaal ah u dhacda.

Mudane Deni ayaa sidoo kale Madaxweyne Farmaajo kula kaftamay in uu tartan fiican u galo Doorashada isagoo xusay in Dowlad Goboleedyaduna hareeraha qaban doonaan si uu kursiga mar kale ugu guulaysto.

Hoos ka daawo Khudbadda Madaxweyne Deni

  • 1-25.jpg?resize=1000%2C1072&ssl=1
  • 2-18.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 3-17.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 4-10.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 5-16.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 6-16.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 7-14.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 8-12.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 9-11.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 10-9.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 11-6.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 12-8.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 13-6.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 14-6.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 15-5.jpg?resize=1000%2C806&ssl=1
  • 16-4.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 17-2.jpg?resize=1000%2C723&ssl=1
  • 18-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo sheegay in la dhammeeyay Khilaafkii Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this