Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo hay’adaha ugu baaqay in loo gurmado dadka ay fatahaadu saameeyeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in Wabiga Shabeelle uu fatahaado darran ka geystay Xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo tuulooyin hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka ayaa sheegay in Xaafadaha uu Wabiga ku fatahay ee degmada Afgooye ay kamid yihiin, Dhagax-tuur, Baalguri iyo tuulooyinka hoostaga degmada oo ay kamid yihiin Sabiid, Caanoole, Baqdaad iyo deegaanno kale,isla markaana dadka Shacabka ah uu saameyn ku yeeshay,isagoo sidoo kale tilmaamay in deegaanno ka tirsan degmada Balcad uu fatahaad ka geystay halkaas oo ay ka barakaceen dadki deganaa.

Wasiir Xamsa ayaa Hay’adaha samafalka ee ka howgalla dalka faray inay gurmad deg deg ah gaarsiiyaan dadka uu saameynta ku yeeshay fatahaadda uu Wabiga Shabeelle ka sameeyay deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ayaa toddobaadkaan ka digtay roobab dabeylo wato oo ku soo wajahan qaar kamid ah degmooyinka dalka iyo dhibaatada ka dhalan karta musiibooyinka dabiiciga ah.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo hay’adaha ugu baaqay in loo gurmado dadka ay fatahaadu saameeyeen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this