Sign in to follow this  
Deeq A.

XFS oo soo xirtay imtixaanaadkii shahaadiga ee dugsiyada sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS Mudane C/Raxmaan Maxamuud C/lle  Jaabiri iyo Agaasimaha Guud Axmed Xasan Yuusuf ayaa manta soo gabagabeeyay imtixaankii shahaadiga dugsiyada sare oo muddo todobaad ah ka socday Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka Soomaaliya.

Wasiruu Dowlaha iyo Agaasimaha oo u waramaayey Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay dadaalkii loo soo galay qabsoomidda imtixaankaan dugsiyada sare iyo natiijada wanaagsan ee ka soo baxday meel marinta hadafka xukuumadda ee ku aadan horumarinta dhinaca waxbarashada dalka.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Agaasimaha Guud,waxa ay uu  mahadceliyeen,Wasaaradda Maaliyadda, hey’adaha amniga iyo cid kasta oo ka qeybgashay suurtagalnimada in si haboon uu ku dhamaado imtixaankii dugsiyada sare.

Mudane C/Raxmaan Maxamuud C/lle  Jaabiri iyo Axmed Xasan Yuusuf,waxa ay carabka ku adkeeyeen in faahfaahin ku saabsan imtixaankaasi shahaadiga ah ee loo qabtay dugsiyada sare wixii khuseeya dib laga soo sheegi doono.

In ka badan 34600,ayaa u fariisatay imtixaankii shahaadiga dugsiya sare ee lagu qabtay Gobolka Banaadir iyo Gobolada kale

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this