Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo loogu baaqay inay baarto arrin ay damacsan yihiin Turkiga iyo Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyada oo wargeys ka soo baxa dalka Liibiya uu qoray in wadamada Qatar iyo Turkiga ay doonayaan in dagaalka ka socda dalkaasi ay u adeegsadaan dhalinyaro Soomaali ah oo lagu tababaray dalalkaasi ayaa waxaa arrintaasi ka digay Prof. Cabdiraxmaan Daqare.

Daqare oo wareysi siiyey Shabelle ayaa sheegay in haddii ay jirto arrintaasi ay dhabar jab xoogan ku noqon doonto dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxda dalka inay baaris ku sameeyaan waxa ka jira arrintaasi, isaga oo kula taliyey inay dhex-dhexaad ka noqdaan xiisada Liibiya.

Halkan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/cod-cadani.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this