Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso: Wararkii ugu dambeeyey ee shirka magaalada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb uu ka furmo wejiga 2-aad shir ay ku madlan yihiin madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Dhuusamareeb  waxaa haataan ku sugan madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisal wasaaraha Xukuumadda iyo madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, HirShabelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Ajandaha shirka ayaa ah in la’iska wareysto xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka, si dhinacyada ay mowqif mideysan uga qaataan nooca doorasho ee ay tahay in dalka ay ka dhacdo.

Waxa soo baxayay warar sheegaya  in shirkan uu  noqon doono mid aad loogu kala feker duwan yahay, maadaama madaxweyne Farmaajo uu dadaal ugu jiro, sidii ay doorashada dalka u noqon laheyd mid qof iyo cod ah, halka madaxda dowlad goboleedyada ay iyaguna u ololeynayaan in doorashadu noqoto mid dad-ban, balse waxa arrintaasi beeniyay wasiirka  wasaaradda warfaafinta maamulka Galmudug, Axmed Shire Falagle.

Wasiirka oo la hadlay Shabelle ayaa in arrintaasi ay tahay wax been ah  oo ay madaxda isku mowqiif ka wada yihiin arrimaha laga wada hadlayo, sida uu hadalka u dhigay.

Shirka Dhuusamareeb oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa isha lagu wada hayaa go’aamada  ka soo biixi doono, kaas oo looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this