Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga Oo Karantiil Galiyay Dhammaan Dadka Sannadkaan Xajiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Xujaajta loo xulay inay gutaan waajibaadka xajka sannadkan ayaa bilaabay in ay iskarantiilaan muddo 7 cisho ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada dalka Sacuudiga.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dhowr tallaabo oo la qaaday si loo hubiyo badbaadada xujaajta inta lagu guda jiro Xajka, iyadoo laga cabsi qabo faafitaanka cudurka coronavirus.

Dad ka kala socda 160 dal oo kala duwan oo hadda ku nool Boqortooyada ayaa loo xushay inay xajiyaan sanadkaan.

Tirada guud ee xujeyda ayaa si weyn hoos loogu dhigay si loo hubiyo in la raaco talaabooyinka kala fogaanshaha bulshada.

Xujayda ayaa looga baahan doonaa inay qaataan karantiil labaad marka ay gutaan waajibaadka Xajka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this