Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Gurey Oo ka Hadlay Saamiqaybisga Iyo Doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Waa sida keliya ee doorasho ay ku qabsoomi karto. Waxa ka qaldan saamiqaybsigu kama qaldana gobol gaar ah iyo reer gaar ah midna ee waa wax Somaliland ka qaldan. 15 sanadood ayaa in la saxo wakhti loo haystay lamana sixin. Hadda xildhibaanada fadhiyaa waxa la doortay 5 sanadood 15 sanadoodna way fadhiyaan. Intaa in ka badan inay sii fadhiyaan waa qaranjab danta Somalilandna kuma jirto.

Hadii xal kale la waayo madaxwaynaha waddo kale uma furna oo aan ahayn in uu taladiisa sida ay doorasho ku qabsoomi karto u gudbiyo Maxkamadda Sare oo go’aankeedu uu noqonayo kama dambays. Maanta waxa mudnaanta koowaad leh in dalka ay doorasho ka qabsoonto.

Arinta saamiqaybsiguna waa nasiib darro oo qabyo waa halkeedii. Hadii lagu xidho tirakoob dalka oo dhan ka qabsooma ayaan la hubin xataa in shanta sanadood ee soo socda la hirgelin doono. Hadaynu dib u eegno doorashadii 2005tii beelaha ku qaday ee lumiyay kuraasida ugu badan waxay ahaayeen kuwii aan doorashada ka qaybgelin sida Beesha Ciise oo heshay hal kursi oo keliya iyo Beesha Sool clan oo heshay 7 kursi oo keliya. Wakhtigaa diiwaangelintu may jirin sidaa daraadeed waxa laga yaabaa in natiijadu ay ka duwanaato tii 2005tii wax aan badnayn

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this