Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaas ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ee ku sugan gobolkaasi.

Dhaq-dhaqaaqyada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxaa laga dareemaayaa deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa haatan cabsi xoogan ka muujinayo in dagaal uu ka qarxo halkaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda maamullada Somaliland iyo Puntland oo ku aadan xiisadaasi.

Somaliland iyo Puntland oo ah laba maamul oo daris ah ayaa in muddo ah isku haya gacan ku heynta iyo maamulida deegaano ka kala tirsan gobollada Sool iyo Sanaag.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this