Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz oo isbital la dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Boqorka 84 jirka ah ee dalka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz ayaa la dhigay isbital ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Riyadh, isaga oo ka gubanaya kaadi haysta, sida ay maanta sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.

Boqorka oo dalka Sacuudiga xukumayey tan iyo 2015-kii ayaa mari doona tijabaooyin caafimaadka, sida ay sheegtay wakaaladda oo aan bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer.

Kadib markii warkan la shaaciyey, ra’iisul wasaaraha Iraq Mustafa al-Kadhimi ayaa hakiyey booqasho la jadwaleeyey inuu ku tago Sacuudiga, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Amiir Faisal bin Farhan Al Saud.

Boqor Salman ayaa laba san iyo bar ahaa dhaxal-suge laga soo billaabo 2012, kahor inta uusan noqon boqor 2015-kii. Kahor, waxa uu muddo ka badan 50 sano ahaa barasaabka gobolka Riyadh.

PUNTLAND POST

The post Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz oo isbital la dhigay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this