Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo faah-faahin ka bixisay saameynta ay fatahaaddu ku yeelatay Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda gar-gaarka iyo maaraynta musiibooyinka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Kumanaan Qoys oo ku noolaa Degmada Afgooye iyo guud ahaan Gobolka Shabeellada hoose ay saamayn ba’an ku yeelatay fatahaadda Webiga Shabeelle.

Degmada Afgooye ayaa la sheegayaa in ay ka barakaceen 300 Qoys, halka Tuulooyinka Irdoole, Balbaley, Ballow, Jambaluul, Mareeray, Sabiib iyo Caanoole, ay Guryahooda ka baxeen 1500 oo Qoys.

Warbixinta ay soo saartay Wasaaradda gar-gaarka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in 291 Qoys ay u barakaceey Degaanka Jannaale oo lafteedu ay ka taagan tahay cabsi ku aaddan fatahaadda Webiga Shabeelle inuu soo gaaro.

Dadka ku dhaqan Tuulooyinka Dagwariiri, Cadiimoole, Awdheegle, Waagaadi iyo Mishaani ayaa iyagana qaba baqdin la xiriirta fatahaadda Webiga Shabeelle.

Halkan hoose ka aqriso:-

WARBIXINTA FATAHAADA DEEGANADA GOBOLKA SH/HOOSE

MUQDISHO, Soomaaliya, Sabti, 19

KA July 2020: Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose iyo deeganada hoos

yimaada waxaa ku fatahay Wabiga Shabeele kaas oo saameeyn xoogan ku yeeshay Dad gaaraya 300 qoys oo ku nool

Degmadda xaafadaheeda sida Dhagaxtuur, Baalguri, Dooylaaw iyo Beerta Imaaraadka.

Sidoo kale qaar kamid ah tuulooyinka hoos yimaada degmada Afgooye sida Tuulooyinka Irdoole, Balbaley, Balow,

Jambaluul, Mareeray, Sabiib iyo Caanoole, ayaa waxaa ka barakacay qoysas gaaraya 1500 oo Qooys.

Sidoo kale waxa jira deegaano kale oo ka tirsan gobolka shabeelada hoose gaar ahaan deegaanada ku teedsan Deegaanka

Janaale kuwaas oo laga cabsi qabo in ay fataahad ka dhalato walow saameen u geeysatay roobka xagaaga ee hada da’aya.

Deegaanka Janaale ayaa isagana kamid ah meelaha laga cabsi qabo inuu wabigu ku soo fatahu , in kastoo ay jiraan xaafaddo

kamid ah deegaanka Janaale , Sida Xaafad Siimow iyo Xaafad Jadiid oo ay soo galeen biyo ka dhashay roobkii Xagaaga.

Waxaa kaloo jira tuulooyin ay saameysay Fatahaad uu sababay roobkii xagaaga iyo wabiga shabeelle oo heerkiisu sare u

kacay qooysas gaaraya 291 Qoys u soo barakacay Deegaanka Janale.

Intaa waxaa sii dheer tuulooyiin laga cabsi qabo inay wax yeelo kasoo gaaraan fatahaada iyo Daadadka, waxaa kamid ah

Tuulooyinkaan, Dagwariiri, Cadiimoole, Awdheegle, Waagaadi iyo Mishaani.

Saameynta Fatahaadda

  1. Fatahaada ayaa sameen balaaran oo ay ku yeelatay dalagii beeraha
  2. Waxaa guryahoodii ka hayaamay oo ka barakacay dad gaaraya 2,091 qoys oo ay saaameysay Fatahaada dadkaas oo u

baahan Hooy, Cunto, Biyo Nadiif iyo Caafimaad.

  1. Sidoo kale fatahaada ayaa saameyn balaaran ku yeelatay isa socodka Gaadiidka dadweynaha iyo Ganacsiga

Deegaanada ay saameysay Fatahaada.

Gobolka shabeeladda hoose Waxaa mara Wabiga Shabeele Kaas oo ay ku tiirsanyihiin Dadka iyo Duunyadda.

Xiliyadda Gu’ga iyo Deyrta ayaa marwaliba saameyn Ku yeesha Deegaanada ku teedsan Wabiga shabeele, deegaanadaas

ayaa inta badan fatahaada wabiga saameysaa, Dadka dagan Gobolka aan kor kusoo xusnay ayaa inta badan ku tiirsan tacabka

beeraha.

Dhammaan dhinacyada ka shaqeeya ka jawaabidda xaaladaha noocan ah ee isugu jira hey’adaha dowliga ah iyo kuwa gaarka

ah ee ka shaqeeya arrimaha gargaarka ayaa laga codsanayaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u gargaaraan dadka u baahan

gargaarka ee ay fatahaadahani saameeyeen.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka waxey si dhaw ula socotaa xaaladda fatahaadda waxeyna idiin soo

gudbineysaa waxa soo kordha iyo sida ay isu baddesho xaaladda.

DHAMMAAD

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this