Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Khayre oo Dhuusamareeb kula kulmay Madaxda Dowlad Goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay markale Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada dalka.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada waxaa uu ahaa mid Albaabada u xiran waxaana wararku  sheegayaan in kulankaas uu hordhac u ahaa Shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Kulankaas ayaa waxaa kasii horreeyay kulan gaar ahaa oo dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shalay dib ugu laabtay.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo gaar gaar ah oo Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ka yeelanayaan sidii jawi wanaagsan iyo is faham ugu bilaaban lahaa shirkooda dhowaan furmaya.

Shirka Madaxda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ee Dhuusamareeb waxaa looga hadli doonaa Arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee Dalka iyo Arrimaha doorashooyinka soo socda.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Khayre oo Dhuusamareeb kula kulmay Madaxda Dowlad Goboleedyada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this