Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Erdogan oo Eedo culculus Tunka u saaray Siisiga Masar

Recommended Posts

Deeq A.   

 Madaxweyne Erdogan Yaa Eedo culculus ku hurgufay Madaxweynaha Masar Sisi

Recep Tayyip Erdogan oo ka hadlay shirka ururka ay ku mideysan yihiin dalalka IMuslimiinta
Recep Tayyip Erdogan

Madaxeweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si kulul u cambaareeyay Masar iyo Imaaraadka Carabta oo labaduba taageeraya xoogagga ku sugan bariga Liibiya.

Waxay arrintani ka dambeysay markii uu madaxweynaha Masar Cabdifitaax el Sisi uu isbuucan la kulmay hoggaamiyayaasha qabaa’illada bariga Liibiya oo ka dalabday Qaahiro inay soo farageliso dagaalka.

Turkiga ayaa gargaar milatari ku caawiya dowladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Liibiya, halka Masar, Imaaraadka iyo Ruushkana ay taabacsan yihiin maamul kale oo saldhigoodu yahay bariga Liibiya oo uu horkacaya janaraal Xaftar.

” Tallaabooyinka ay Masar qaadeysa gaar ahaan inay la safatay dagaal ooge Xaftar waxay astaan u tahay in Masar ay ku lug leedahay arrimo bilaa sharci ah, ” ayuu yiri Erdogan.

El-Sisi ayaa bishii la soo dhaafay ku hanjabay inay suuragal tahay in ciidammada Masar ay gudaha u galaan Liibiya haddii dowladda Tripoli ee taageerada ka hesha Turkiga ay markale weerar ku soo qaadaan jiidda dagaalka ee dhinaca Sirte-Jufrah oo loo arka inay tahay marinka goobaha laga soo saara saliidda ee ay hadda gacanta ku hayaan ciidammada taabacsan Xaftar.

Liibiya waxaa halakeeyay colaad daba dheeraatay tan iyo sanaddii 2011 markaas oo hoggaamiyihii muddada dheer ka talinayay dalkaasi Mucamar Qadaafi xukunka looga tuuray howlgal ay ku luglahayd gaashaanbuurta NATO.

Janaraal Haftar ayaa amar ku siiyay ciidammadiisa inay guluf ku qaadaan magaalada
Janaraal Haftar

Maleeshiyaadka Jeneraal Haftar ayaa isku dayaya in ay la wareegaan gacan ku heynta caasimadda Tripoli.

Madaxweyne Erdogan waxaa kale oo uu sheegay in ujeedadad Turkiga aysan ahayn dagaal, balse ay tahay in uu taageero u muujiyo dowladda sharciga ku dhisan iyo sidii looga hortago lahaa mussiibo ban’aadam oo ka dhalata dagaalada dalkaas.

Wuxuuna Erdogan sheegay in Turkiga iyo Liibiya ay dib u billaabayaan sahminta iyo soo saaridda saliidda ee bariga badweynta Mediterranean.

“Taariikhda ayaa sheegi doonta cid kasta oo gacan ka geysatay in dalka Liibiya uu ku daato diig ee caawinayey xoogagga fallaagada Xaftar,” ayuu yiri Erdogan.

Xoogagga Xaftar

Doorka Saliida ee colaadda

Madaxweyne Erdogan wuxuu beesha caalamka ugu baaqay inay joojiyaan saliidda ay sida sharci darrada ah uga iibsadaan Khaliifa Xaftar.

“Marnaba shacabka Liibiya ee aan walaalaha nahay kuma fiirsaneyno kooxaha fallaagada iyo calooshood u shaqeystayaasha ah,” ayuu yiri.

“Waxaan Turkiga uga mahadcelineynaa sida geesinimada leh ee ay u garab istaageen Liibiya,” ayuu yiri Ra’isal wasaaraha Liibiya taariikhda Fayez al Sarraj.

Turkiga iyo Dowladda caalamka laga aqoonsan yahay ee Liibiya waxay bishii November ee sanadkii hore saxiixeen iskaashi heshiis oo ku saabsan dhinaca badda, heshiiskaasi oo Turkiga awood u siinayo in badda Mediterranean-ka ay ka sahmiso ayna ka soo saarto saliid, hase ahaateen waxaa heshiiskaas diiday dalka Giriigga iyo waddamo kale.

Wixii heshiiskaasi ka dameeyeyna Turkiga wuxuu ciidammo iyo saanado militari u diray Tripoli si ay dowladda Liibiya uga caawiyaan in xoogagga xaftar ay ka saaraan qeybihii ay ka joogeen magaalada Tripoli.

Tani iyo 2015-kii dalka Liibiya wuxuu u qaybsanaa laba dowladood oo bari iyo galbeed ah. Xaftar ayaa fadhiisimo ka dhigtay bariga dalka halka dowladda Liibiya ka arrimisana ay gacanta ku haysa galbeedka dalkaasi.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this