Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo hal arrin Muqdisho u keentay ardayda dugsiyada sare ee Baraawe

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho diyaarad ku keentay ardayda fasalka afaraad, dugsiyada sare ee magaalada Baraawe, si ay caasimadda ugu galaan imtixaanka qaran ee ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Ardaydan oo uu shalay dhaafay maalinta koowaad imtixaanka ayaa waxaa diyaar gaar ah u dirtay dowladda dhexe, taas oo maanta keentay magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa ku soo dhoweeyey wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya, Xamse Siciid Xamse iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale ardaydan oo ay wajiyadoodu ka muuqatay farxad aad u weyn ayaa loo gudbiyey dhanka Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta Gahayr, halkaasi oo ay ku geli doonan Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare.

Guddoomiyaha Baraawe, Mudane Cumar Sheekh Cabdi oo la hadlay Shabelle ayaa u mahadceliyey dowladda Somalia, isaga oo tilmaamay in sanadka soo socda uu rajyenayo in ardayda kale ee ku sugan Baraawe inay imtixaanka ku gali doonaan Koonfur Galbeed.

Si kastaba ha’ahaatee waxaa sanadkan imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare u fariistay illaa 34 kun oo arday ah, kuwaas oo imtixaanka ku galaya 112 Xarumood

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this