Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo gacanta ku dhigtay rag dhac ka geysanayey Qardho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka Puntland oo howl-gallo ka sameeyey Qardho ayaa gacanta waxa ku soo dhigeen rag burcad ah oo ka dhac ka geysanayey gudaha magaaladaasi.

Taliyaha ciidanka Booliska ee gobolka Karkaar, Cumar Hireed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howl-galka ay sameeyeen ciidanka ay ku soo qabteen laba rag ah oo dhac geysan jiray, kuwaas oo uu tilmaamay in lagu xiray saldhigga Booliska ee gobolka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen hub ay raggaasi dadka ku dhici jireen iyo taleefano.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howl-gallada inta laga xaqiijinayo ammaanka magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada Puntland ayaa kordhiyey howl-gallada amniga lagu sugayo ee ay ciidamadu ka wadaan magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi.

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this