Sign in to follow this  
Deeq A.

MW Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo kulan ku yeeshay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ku kulmay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa ka soo shaqeeyey, islamarkaana soo abaabulay ra’iisul Wasaare Kheyre, madaxweynaha Galmudug Qoor-Qoor iyo madaxweynaha Hirshabeelle Waare oo mar dambe ku soo biiray dadaalada.

Weli faah faahi rasmi ah lagama helin kulankaas oo ay saxaafadu dibad joog ka aheyd, balse wararka ayaa sheegaya in looga hadlayo khilaafka labada dhinac.

Waa kulankii ugu horreeyey ee dhex-mara madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe, tan iyo markii uu soo shaac-baxay khilaafka dowladda federaalka iyo Jubbaland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this