Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo madaafiic khasaare geysatay ku gaaracay JANAALE

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen qeybo ka mid ah deegaanka Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicdaasi ay qaarkood ku hoobteen xaafado ay daganaayeen dad shacabka, islamarkaana ay geysteen khasaare u badan dhaawac.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Ibrahim Aadan Cali (Najax) ayaa xaqiijiyey weerarkaasi ay ku dhaawacmeen illaa saddex qof oo shacab ah.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa tilmaamay in dadka shacabka ay waxyeeladu soo gaaray ay gurmad u fidiyeen ciidamada Xoogga dalka ee jooga deegaankaasi.

“3-qof oo shacab ah ku dhaawacmay hoobiyaal ay Al-shabaab Shabaab ku soo tureen Gudaha Deegaanka Janaaale, Gudoomiyaha Janaale iyo Ciidanka Xooga dalka ayaa u gurmaday shacabka kana soo saaray guryihii ay waxyeelada ku soo gaartay” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo uu soo saaray guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/ Hoose.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose.

Janaale ayaa sidoo kale ka mid ah magaalooyinkii u dambeeyey ee la gala wareegay Al-Shabaab, hayeeshee waxay ku soo qaadaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this