Sign in to follow this  
Deeq A.

Wareega Kowaad ee Doorashada Xafiiska Xuquuq Insaanka Puntland oo soo dhammaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa hadda soo dhammaaday, wareega Kowaad ee Doorashada Guddoomiyaha Xafiiska Xuquuq-Insaanka Puntland, kaas oo ay ku tartamayeen saddex musharrax  oo kala ah Maryan Axmed Cali, Siciid Cabdi Mu’min iyo Faysal Mahdi Cali.

Doorashada oo ay codeeyeen 62 mudane, waxaa saddexda musharrax Wareegga kowaad kala heleen Faysal Mahdi Cali 3 Cod, Siciid Cabdi Mu’min 28 Cod iyo Maryan Axmed Cali oo heshay 31 Cod, waxaana sidaasi Wareegga labaag uga haray musharrax Faysal Mahdi Cali.

Labada Musharrax ah ee Maryan Axmed Cali iyo Siciid Cabdi Mu’min, ayaa ku tartami doona wareegga labaad oo hadda bilaabanaya.

PUNTLAND POST

The post Wareega Kowaad ee Doorashada Xafiiska Xuquuq Insaanka Puntland oo soo dhammaaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this