Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ka dhacay duleedka Diinsoor

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Diinsoor ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka degmadaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada huwanta oo howl-gallo ka waday halkaasi iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in dagaal saacado badan qaatay uu ka dhacay halkaasi, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Wiigli oo hoostaga degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmadaasi ayaa sheegay in howl-galkaasi lagu dilay illaa afar ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena lagu dhaawacay tiro kale.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in howl-galladu ay sii socdaan, islamarkaana ay yihiin kuwo Al-Shabaab looga saarayo halkaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo deegaano ka heysta gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Xaaladda ayaa saaka degan, balse ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa weli dhaq-dhaqaaqyo milatari ka wada halkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this