Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo faah-faahisay howl-gallo ka dhacay deegaanadeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howl-gallo ciidamada maamulkaasi iyo kuwa dowladda ay ka sameeyeen K/Soomaaliya.

Taliyaha guud ee ciidamada Jubbaland, Janaraal Maxamuud Ibraahim (Koojaar) oo u warramay warnaahinta ayaa tilmaamay in howl-galladaasi ay ka fuliyeen deegaano hoosyimaada degmooyinka Kismaayo iyo Beled-Xaawo ee gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay khasaare ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, kuna burburiyeen xarumo ay lahaayeen, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa xusay in howl-galladu ay sii socon doonaan, islamarkaana ay ku gaari doonaan deegaanada ka maqan gacanta maamulka Jubbaland

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this