Deeq A. Posted July 18, 2020 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa goordhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaare Kheyre, Madaxweynayaasha Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug iyo Mas’uuliyiin iyo bulshada magaalada Dhuusamareeb. Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb galaya wejiga labaad ee shirka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka,kaas oo diirada lagu saarayo hirgalinta doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin. View the full article Share this post Link to post Share on other sites