Sign in to follow this  
Deeq A.

Kalfadhigii Saddex Iyo Afartanaad Ee Golaha Wakiillada Somaliland Oo Si Rasmi Ah U Furmay.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Kalffadhigii 43-aad ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u furmay, ka dib markii ay mudanayaasha golahaasi ka soo noqdeen fasaxoodii dastuuriga ahaa.

Fadhigan oo uu shir gudoominayey guddoomiyaha golaha wakiilladda Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax, ugu horayn waxa uu mudanayaasha kula dardaarmay in ay kala fogaadaan isla markaana ay xidhaan af-saabka si looga taxadaro fiditaanka xannuunka Coronavirus, wuxuuna guddoomiyuhu u mahad celiyey xildhibaanadii fadhigaas ka soo xaadiray, isaga oo mudanayaasha fadhiga ka maqnaana u soo jeediyey inay ka soo xaadiraan fadhiyada dambe si goluhu u guto waajibaadkiisa qaran una dhamaystiraan xeerarka qabyada ah ee golaha horyaala.

Waxaana mudanayaasha fadhigaas loogu qaybiyey ajandaha kalfadhigooda 43-aad, oo ka kooban saddex iyo toban xeer oo ay ka mid yihiin xeerka guud ee doorashooyinka qaranka iyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha, wax ka bedelka xeerka shaqaalaha rayidka ah, wax ka bedelka iyo kaabista xeerka maamuuska madaxweynaha iyo baarlamaanka, wax ka bedelka iyo kaabista xeerka nidaamka asxaabta siyaasadeed xeer. Lr.14, wax ka bedelka xeerka kufsiga iyo xadgudubyada jinsiga, xisaab xidhka 2018, xeerka ka hortaga iyo la dagaalanka mukhaadaraadka, xeerka saxaafadda iyo xeerar kale oo qaranka u muhiim ah.

FB_IMG_1595057664880.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this