Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Trump Oo Diiday In Dadka Lagu Qasbo Xidhashada Af-xidhka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in shacabka Mareykanka ku aan lagu qasbi doonin inay xidhaan maaskarada ama afxidhka si looga hortago cudurka Covid 19.

Madaxweyne Trump oo hore u diiday xidhashada maaskarada ayaa sabtidii la soo dhaafay lagu arkay markii ugu horeysay isagoo xidhan maaskarada ama afxidhka.

Hase yeeshee wereysi uu siiyay warbaahinta Fox News, ayuu Trump ku sheegay aanu marnaba ku raacsanayn in dadka khasab lagaga dhigo xidhashada maaskaraatiga sabata oo waxa uu yidhi dadku waxay u baahan yihiin xornimo.

Hadalkiisan ayaa ku soo beegmaya xilli madaxa Cudurada Faafa ee dalka Dr Anthony Fauci uu madaxda dowladda iyo kuwa gobollada ku booriyay iney shacabka ku khasbaan xidhashada maaskarada.

Qaar ka mid ah gobollada Mareykanka ayaa waxaa sare u kac ku yimid tirada dadka uu soo ridanaya fayraska corona.

Tirada guud ee uu ku dhacay fayraska dalkaasi Mareykanka ayaa kor u dhaaftay 3.6 milyan oo qof, halka dhimashaduna ay ka sare martay 139,000 oo qof taasi oo Mareykanka ka dhigeyso dalka u dhimashada badan dunida oo dhan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this