Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Somalia oo war ka soo saartay safarka madaxweynaha ee Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war ka soo saartay safarka la filayo in maanta madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku gaaro magaalada Dhuusamareeb

Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in madaxweynuhu uu Dhuusamareeb u tegayo si uu uga qeyb galo shir ay yeelanayaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah oo lagu gorfeynayo wada-shaqeynta labada heer ee dowladda iyo doorashooyinka dalka.

“Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta gaaraya Dhuusamareeb si uu halkaasi uga qeybgalo shir ay yeelanayaan Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo lagu gorfeynayo wada shaqeynta labada heer ee dowladda iyo doorashooyinka qaran ee nagu soo fool leh” ayuu yiri agaasime Cabdinuur.

Soo dhaweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa haatan laga dareemayaa degmada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug oo ay ku sugan yihiin madaxda dowlad goboleedyada iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this