Sign in to follow this  
Deeq A.

Urur Goboleedka IGAD oo ka Hadlay Wadahadalladii Somaliland Iyo Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Urur Goboleedka IGAD, ayaa taageeray Wadahadallada u socda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya ee ka qabsoomay dhawaan dalka Jabuuti.

Walaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu maanta daabacay Warsidaha East Africa Business Week ee ka soo baxa dalka Uganda, oo sheegay in Shirkii 36aad ee ay habka maqal iyo muuqaalka ah ku yeesheen Hoggaamiyeyaasha Dalalka Urur Goboleedka IGAD ay caddeeyeen inay danaynayaan in wadahadallada ay yeelanayaan Guddiyada farsamo ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya laga sameyn doono horusocod lagu gaadho xal.

Waxa kaloo warmurtiyeed ka soo baxay Shirkii Hoggaamiyeyaasha IGAD lagu ammaanay wadahadalka u socda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya ee ay gadhwadeenka ka yihiin Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Bayaanka urur goboleedka IGAD ayaa soo baxay shan maalmood ka dib, markii ay Soomaaliya codsatay in dib loogu dhigo wadahadalkii Guddiyada Farsamo ee u socday Somaliland iyo Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this