Sign in to follow this  
Deeq A.

Ayaan daro ayey inagu tahay dal dimuqaradi sheeganaya oo ay hor fadhiyaan goleyaal mudo dhaafay

Recommended Posts

Deeq A.   

DALKA DADKII LOO DOORTAY BAA HAGRADAY OO XEERARKII DOORASHOOYINKA SAMEYN WAAYEY , GOLAHA WAKIILADA JAMHUURIYADA SOMALILAND IYO XUKUUMADIHII KALA DAMBEEYEY AYAANA HALKAA INA DHIGEY !!!

Ogaalkay Gobol ku qanacsan tirada kuraasida golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ee uu hadda ku leeyahay golaha fadhiya ma jiro , xeerkii lagu gallay doorashadii hore ee golaha wakiiladuna waxa uu qorayey in halkaasi mar oo kaliya lagu gelayo doorashada waxii ka dambeeyana la sameeyo tirakoob guud oo dadka Somaliland oo dhan ah si gobolwaliba inta uu dad ahaan noqdo wax loogu qaybsado sida metelaada goleyaasha ee dunida dimuqaradiga ahi wax u qaybsato uguna saxsan.

Waxa isweydiin leh 15 sanadood ka dib in maanta ay taagan tahay caqabadii oo aan la xalin iyo sababta xil la isaga saari waayey , waxa wax lala yaabo ah in aan hal talaabo oo xalka doorashooyinka ah aan la xalin ee caqabaduhu dadka qaar u yihiin fursado , Somaliland oo 29 sanadood jirtay waxa ay ku tahay ceeb in waxii iyo nidaamkii doorashooyinka dalka laga shaqeysiin kari waayaa.

Golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland waxa lagu qaybiyey 82 kursi xal laga soo min guuriyey doorashadii golaha wakiilada ee 1960kii oo ay Somaliland lahayd 33 kursi , oo intii barigaa Gobol/Degmo waliba haysatay lagu dhuftay 2.5 , waxa jirtay in xataa xiligaa aan lagu wada qanacsanayn ama aanay dadka Somaliland doorashooyinka iyo tartanada noocan ah metelaadooda garanayn.

Hadii aan isku dayo in xalka aan wax ka idhaahdo dhawr siyaaboodba waa la yeeli karaa inkasta oo ay u baahan yihiin tacab iyo xili ku filan oo si daacadnimo ah looga hawlgalo ;

1- Waxa la yeeli karaa in dalka Jamhuuriyada Somaliland tirakoob dadwayne laga hirgaliyo oo wax lagu qaybsado oo Gobol waliba ku qanco waxii ay dadkiisu noqdaan inta kursi ee uu uga jaro tirada kuraasida golaha wakiilada ee ah 82 kursi.

2- in lagu heshiiyo in markana sidii hore lagu gallo oo la isku tanaasulo , si doorasho u dhacdo , oo la balanqaado in arinkani noqdo mid xil la iska saaro oo aanu noqon gole kaga kac qaara 15 sanadood oo dambe sidii kii hore.

3- in beelo wax lagu qaybsado oo laga guuro nidaamkan dimuqaradiga iyo goboleysigan oo aynu dib u noqono , isla markaana beelaha Somaliland dega beelwalba wax loo qorsheeyo oo xal la isku waafaqsan yahay uu noqdo.

Dadka qaar baa ku dooda dastuurka hala furo oo kuraasta golaha ee 82 ka ah inta la kordhiyo gobolada wax tirsanaya ha loogu darro , horta furista dastuurka dalku waxa sheegaya qodob dastuurka Jamhuuriyada Somaliland ka mid ah in wax laga badeli karo waana qodobka 126naad , laakiin waxa isweydiin leh ujeedooyinka loo furayaa maxay noqonayaan ?

Tusaale ahaan dastuurka Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ka hadlaa qof muwaadin Somaliland ah iyo xuquuqihiisa , uma kala saaro gobol , dagmo , qabiil , midab , jinsi , iwm , haddaba hadii uu sidaa wax u dhigay , dadka uu dastuurka Somaliland u yaqaano muwaadiniin waxa ay leeyihiin xaq iyo xuquuq isku mid ah oo siman.

Hadii xubnaha la kordhiyo waxa ay noqonaysaa in iyagana loo qaybiyo sida shuruucda dalku dhigayso oo ah in tirakoob la sameeyo oo gobol waliba tirada dadkiisa wax ku qaato kuna goosto , isku soo wada xoori oo Somaliland waxa u muhiim ah in la isla garto wax lagu wada qanco oo aan noqon geed kaga kac sidii 2005 dhacday , cidwalba oo ka hadashaa in wax ka maqan yihiina xaq bay u leeyihiin tabashadooda.

Dalka dadkii loo doortay baa hagraday oo xeerarkii doorashooyinka sameyn waayey iyo wax walba oo ay u baahnayd doorasho , golaha wakiilada Somaliland iyo xukuumadihii kala dambeeyey ayaana ku ceebaysan oo ay tahay in lagula xisaabtamo sababta ilaa maanta uu dalku uga bixi laayahay hawl ay masuuliyadeeda lahaayeen oo ahayd in ay mar hore geed ku tiiriyaan.

Ayaan daro ayey inagu tahay dal dimuqaradi sheeganaya oo ay hor fadhiyaan goleyaal mudo dhaafay oo qaar ay fadhiyaan kuraasida mudo 23 sanadood ah halkii laga doortay 6 sano oo kaliya waxaa ku dheeraad ah 17 sanadood waa Guurtida , wakiiladuna waxa ay fadhiyaan 15 sanadood oo waxa la doortay 5 sano oo kaliya waxa ku dheeraad ah 10 sanadood.

Golihii hore ee deegaanku waxa ay dadhiyeen 10 sanadood halka laga doortay 5 sanadood oo kaliya , Madaxweynihii 3aad ee Somaliland waxa uu fadhiyey 8 sanadood halka xiliga la doortay ahaa 5 sanadood oo kaliya , golihii wakiilada ee hore waxa ay fadhiyeen 8 sanadood halka la doortay 5 sano oo kaliya , madaxweynihii 4aad ee Somaliland waxa uu fadhiyey 7 sanadood mudada la doortayna waxa ay ahayd 5 sano , golaha deegaanka ee maanta jooga waxa la doortay 5 sanadood waxaana ay fadhiyaan 8 sanadood.

Dalka noocaasi ahi ilama aha in uu is mahadiyo , waxaasi oo mudo kordhin doorasho ah ma jirto mid kaliya oo asbaabaha iyo duruufaha shuruucda dalka ku xusani ay tilmaameen dhacday oo loogu kordhiyey , arimahani dhamaantood waxa ay ragaad ka dhigeen nidaamkii dimuqaradiga ahaa dalku qaatey waxaana ay niyad jab ku abuureen shacbiga Somaliland.

Mohamed Abdi Jama
Hogaamiye Dhimbiil

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this