Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Khilaafkii Shirka beelaha Mudullood oo xal buuxa laga gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf ka dhashay qaban-qaabada shirka Beelaha Mudullood oo u dhaxeeyay siyaasiyiinta iyo dhaqanka beesha, ayaa ugu dambeyn galabta laga gaaray heshiis buuxa oo horseedi doona in shirka la qabto.

Shirkan oo la filayey inuu dhaco 13-kii July ayaa baaqday kadib markii xubno ka tirsan beesha oo ku xiran Villa Somalia ay horseedeen khilaaf qorshuhu ahaa in shirka lagu baajiyo.

Kullanka waxaa ka qeyb galay; Cali Ugaas Cabdulle, Cali Mahdi Maxamed, Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, Muuse Suudi Yalaxow Ugaas Maxamud Cali Ugaas, C/qaadir Macalin Nuur, Cali Maxamed Geedi iyo xubno kale waxaana isku cafiyey Ugaas Maxamuud Cali iyo Muuse Suudi.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Macallin Nuur ee degmada Hodan, ayaa waxaa si wadajir ah loogu ballamay in laga shaqeeyo habsami u socodka shirka guud ee Beelaha Mudullood, kaasoo dhowaan furmi doona.

Dadaalada lagu xaliyay kala aragti duwanaanta iyo madmadowgii ka jiray qaban qaabada shirka ayaa waxaa hormuud u ahaa Madaxweynayaashii hore, Imaamka, Ugaaska iyo Khaliif Cabdulqaadir Macalin Nuur.

Xalka laga gaaray khilaafka guud ee beesha ayaa yimid kadib markii sidoo kale xalay la xaliyey khilaaf gaar ah oo u dhaxeeyey Senator Muuse Suudi iyo Ugaaska Mudullood Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Mudane Xassan Sheikh Maxamuud iyo Mudane Shariif Shiekh Axmed oo ah laba Madaxweyne oo xilka isaga dambeeyey haatanna hoggaamiya Madasha Xisbiyada Qaran ayaa mas’uuliyiintan ku booriyey in laga wada shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa loona walaaleyn lahaa bulsha weynta gobolka.

Waxaa la filayaa in dhowaan dib loo shaaciyo waqtiga kale ee uu qabsoomi doono shirka beesha Mudullood.

110142984_3161495670611331_7749299922629 110749663_3161496027277962_4138197935866 110146857_3161495860611312_2285500489518 108863201_3161495633944668_5864989189261 108068937_3161495660611332_4774431638609 109124225_3161496397277925_4242448856716 109684200_3161496357277929_6574216419935 110268939_3161496133944618_6981713741977 109772740_3161495720611326_2532184232956 109721713_3161496383944593_8574443249828

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this