Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Gaalkacyo oo qabtay Gaadiid siday dhuxul sharci darro ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Booliska gobolka Mudug ayaa maanta qabtay 10 gaari oo siday dhuxul, taas oo horey ay u mamnuuceen mas’uuliyiinta Galmudug, si loo badbaadiyo degaanka.

Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Gaashaanle Dhexe Qaasim Shirdoon Cali ayaa sheegay inay sii wadayaan howl-galka lagu baacsanayo dadka sida sharci darada ah u jara dhirta.

Dhankiisa guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug C/raxmaan Cali Diiriye oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu boggaadinayo ciidankii ku guuleystay in ay soo qabtaan gaadiidkan siday dhuxusha oo horey wareegto madaxweyne loogu mamnuucay.

Booliska ayaa gaadiidkan soo qabtay, xilli ay isku dayayeen inay si dhuumaaleysi ah dhuxusha ku geliyaan suuqyada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this