Sign in to follow this  
Deeq A.

Cinwaanada Twitter ee dad caan ah oo ay ku jiraan Obama iyo Bill Gates oo la jabsaday

Recommended Posts

Deeq A.   

San Francisco (Caasimada Online) – Shirkada Twitter ayaa saacadihii u dambeeyay wajaheysay jahwareer ba’an, kadib markii gebi ahaan la jabsaday cinwaano ay lahaayeen madax iyo dad maal-qabeeno caan ah.

Baraha ay boga Twitter ku lahaayeen Barack Obama, Joe Biden, Bill Gates iyo shirkaddo waaweyn oo caan ah ayaa la jabsaday, iyada oo badankooda lagu baahiyay fariimo isku mid ah.

Budhcadan geysatay falkaasi ayaa lagu waramayaa inay codsaneyso dhaqaale ay sheegen in loogu deeqi doono dad tabaaleysan iyo kuwa Covid-19, iyada oo aan si rasmi loo ogeyn ujeedkooda rasmiga ah.

Shirkadda Twitter oo arrintaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay ku howlan tahay sidii ay dib ugu soo celin laheyd cinwaanadaasi shaqsiyaadkii lahaa, iyada oo qaar kamid ah fariimihii lagu baahiyay la masaxay.

Inkasta oo aan ilaa hadda si dhab loo ogeyn kooxaha ka dambeeya weerarkaasi, ayaa haddana waxa soo baxaya tuhun la xiriira inay lug ku leeyihiin shaqaale hore uga tirsanaa shirkadda Twitter-ka.

Jabsashada cinwaanada ee baraha bulshada ayaa sanadihii u dambeeyay kor u kacday, iyada oo qeyb weyn ka tahay loolanka adag ee hogaaminta tiknoolajiyada aduunka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this