Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay Muqdisho iyo faah faahino ka soo baxaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil xalay Muqdisho loogu geystay wiil dhalinyaro ahaa oo ay toogasho ku dileen rag hubeysan.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cabdikaafi Aweys Maxamed, kaas oo ka mid ahaa dhalinyarada ku nool degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Kooxo hubeysan oo doonayey inay dhacaan marxuumka ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen, isagoona isla goobta ku geeriyooday.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in raggii ka dambeeyey falkaasi dilka ah ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib.

Waxaa sidoo kale goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka iyo ehellada marxuumka oo halkaasi ka qaaday meydka.

Allaha u naxariistee Cabdikaafi Aweys Maxamed ayaa ahaa arday baranayey culuumta caafimaadka, isaga oo dhiganayey mid ka mid ah jaamacadaha magaalada Muqdisho.

Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan dari oo maalmihii u dambeeyey siyaabo kala duwan uga dhacayey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this