Sign in to follow this  
Deeq A.

Meydka ra’iisul wasaarihii hore ee dalka oo laga soo dajiyey Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Meydka R/wasaarihii hore ee Soomaaliya marxuum Xasan Abshir Faarax ayaa goordhow laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho,halkaasi oo ay ku sugayeen madaxda Qaranka.

Madaxweynaha JFS, guddoonka Baarlamaanka, R/wasaare ku xigeenka Dalka, madaxweynayaashii hore, iyo xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeybgalay Salaadda Janaasada,iyadoo lagu wado in lagu aaso magaalada Garoowe.

Dhanka kale magaalada Garoowe waxaa ka soconaysa qaban qaabo ku aadan aaska meydka Xasan Abshir R/wasaarihii hore, iyadoo la filayo in ay ka qeybgalaan R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,madaxda dowlad goboleedyada.

Dhawaan ayuu ku geeriyooday magaalada Ankara ee dalka Turkiga, oo in muddo ah uu ku xanuunsanayay,Xasan Abshir ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka Soo maray.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

FB_IMG_1594878399922 FB_IMG_1594878392310 FB_IMG_1594878395709

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this