Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska oo aqbalay in baaritaan lagu sameeyo xanuunka COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’isalwasaaraha Waddanka Ingiriiska Boris Johnson, ayaa markii ugu horreysay sheegay in ay ka go’an tahay in baaritaan madaxbannaan lagu sameeyo Xanuunka COVID-19 oo dalkaas ay kaga dhinteen in ka badan 44 kun oo qof.

Hadalkan ayuu Ra’isalwasaaruhu ka sheegay kulan ka dhacay aqalka Baarlamanka oo su’aalo lagu waydiinayey, waxaana uu sheegay in dhab ahaan ay jiri doonto baaritaan arintan ku aadan mustaqbalka, inkasoo horay u diiday baaqyo kala duwan oo ku aadan in baaritaan lagu sameeyo faafidda Xanuunka Coronavirus-ka  ee dalka UK.

Inka badan 150 kun oo qof ayaa saxiixay dalab dhanka Online-ka oo ay soo qabanqaabiyeen ehelada dadkii UK ugu geeriyoodey Cudurka Covid19, kuwaasi oo dalbanayey in baaritaan kuwaasi oo dalbanayey in si deg deg ah baaritaan loogu sameeyo habka dawladu ay u maareeysay cudurka, ka hor safmar kale oo dalka ka dilaaca.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska oo aqbalay in baaritaan lagu sameeyo xanuunka COVID-19 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this