Sign in to follow this  
Deeq A.

Ex. Ra’iisul wasaare Xassan Abshir oo Maanta Aas Qaran loogu samaynayo Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed Marxuum Xassan Abshir Faarax, ayaa sida qorshaysan Maanta oo Khamiis ah Aas Qaran loogu samaynaya Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Maydka Ex. Ra’iisul Wasaare Xassan Abshir, waxaa Xalay si maamuus sare leh u soo saagootiday Dowladda turkiga oo uu Dalkeeda ku geeriyooday, iyadoo Ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa Turkiga ay soo saareen Diyaaradda.

Aaska Qaran ee Maanta Garoowe loogu samaynayo, waxaa ka qayb-galaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni , Guddoomiyaha Aqalka Saree e Soomaaliya Cabdi Xaashi cabdillaahi, Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka, xubno ka tirsan Golayaasha Puntland iyo heer Federaal, dhammaan Isimada waaweyn ee Puntland oo Aaskiisa u yimid Garoowe iyo dad weyne kala duwan.

Maydka Marxuumka oo haatan laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaa halkaas lagula tukan doonaa Salaadda Janaasada, ka hor inta aan loo soo qaadin Caasimadda Garoowe oo Aaska Qaran loogu samaynayo

PUNTLAND POST

The post Ex. Ra’iisul wasaare Xassan Abshir oo Maanta Aas Qaran loogu samaynayo Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this