Sign in to follow this  
Deeq A.

Qatar Oo Ku Guulaysatay Dacwad Ka dhexeysay Sacuudi Arabiya oo ka Socotay Maxkamada ICJ

Recommended Posts

Deeq A.   

Qatar Oo Ku Guulaysatay Dacwad Ka dhexeysay Sacuudi Arabiya oo ka Socotay Maxkamada ICJ

 

Dowladda Qadar ayaa maanta guul taarikhi ah ka gaadhay kiis dacwadeed kala dhexeeyay wadamada Sucuudiga, Imaraadka, Masar iyo Baxrayn, kaasi oo la xidhiidha xayiraadii dhinaca Hawada ee wadamadaasi ku soo rogeen Saddex Sanno ka hor.

icj.jpeg

Maxkamada Caalamiga ICJ ee Hegue ayaa diiday Rafcaan ay Xulafada Sucuudigu ka qaateen go’aankii Hay’adda Duulimaadyada Adduunka ICAO ee ahaa in ay xaq u leedahay in go’aan ka qaadato Xayiraado dhinac hawada ee lagu soo rogay wadanka Qadar.

Guddoomiyaha Maxkamada ICJ Cabdiwahaab Axmed Yusuf oo ku dhawaaqay go’aanka Maxkamada ayaa sheegay in 15 Garsoore ay ogolaadeen in Hay’ada ICAO ay awood u leedahay in go’aan ka qaadato khilaafka dhinac hawada ee u dhaxeeya Xulafada Sucuudiga iyo Qadar.

Hay’adda ICAO ayaa sanadkii 2018kii sheegtay inay xaq u leedahay in xukun ka soo saarto khilaafka dhinac hawada ee u dhaxeeya Qadar iyo Xulafada Sucuudiga, hase yeeshee Imaraadka iyo Sucuudiga ayaa ku gacan saydhay iyagoo sheegay inaysan hay’ada ICAO awood u lahayn inay go’aan ka qaadato khilaafka dhinaca hawada.

Sanadkii 2017, Wamada Sucuudiga, Imaraadka, Baxrayn iyo Masar ayaa xayiraad dhinac hawada iyo dhulka ah ku soo rogay wadanka Qadar iyagoo ku eedeeyay inay taageerto Wadanka Iiran iyo Argagixisada Caalamiga ah, eedahaasi oo dowlada Qadar ay ku gacan saydhay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this