Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiillada Somaliland Oo Soo Dhaweeyey Heshiiskii Xisbiyada Qaranka Ee Doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo ka tirsan golaha wkiilada Somaliland, ayaa bogaadiyay heshiiskii xisbiyada qaranku ka gaadheen qabsoomida doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan ayaa sheegay in heshiiskaasi yahay mid bogaadin mudan, maadaama oo uu soo af-jaray murankii mudada ka taagnaa qabsoomida doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, xisbiyada qarankuna ay isku raaceen inta lagu jiro sannadkan 2020, in dalka ay ka qabsoomaan doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo isku sidkan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cartan wuxuu bulshada Somaliland u soo jeediyay inay u diyaar garoobaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, maadaama oo ay dhawr jeer dib u dhaceen, goleyaasha hadda joogaana ay muddo dhaaf yihiin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this