Sign in to follow this  
Deeq A.

Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi oo Aas Qaran loogu sameeyay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi ayaa maanta Aas Qaran loogu sameeyey caasimadda Puntland ee Garoowe.

Waxaa ka qayb galay Aaska Qaran Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyna Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Mudane Cabdi Xaashi, Guddomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Ku-xigeenadiisa, Madaxweynihii hore ee Puntland, Sanatar Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS , ismimo, siyaasiyiin, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Halkaan ka eeg Sawirada

17.jpg?w=1000&ssl=1 16-1.jpg?w=1000&ssl=1 15-1.jpg?w=1000&ssl=1 14-2.jpg?w=1000&ssl=1 13-2.jpg?w=1000&ssl=1 12-3.jpg?w=1000&ssl=1 10-3.jpg?w=1000&ssl=1 9-5.jpg?w=1000&ssl=1 8-5.jpg?w=1000&ssl=1 7-6.jpg?w=1000&ssl=1 6-8.jpg?w=1000&ssl=1 5-8.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi oo Aas Qaran loogu sameeyay Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this