Deeq A. Posted July 15, 2020 Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhowaan ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaasi u tegaya ka qeyb-galka shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka oo lagu wado inuu ka furmo Dhuusamareeb. Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Shire Maxamed (Falagle) ayaa xaqiijiyey safarka madaxweyne Farmaajo, wuxuuna tilmaamay in qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha ay haatabn ka socoto Dhuusamareeb. Sidoo kale wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in shirka uu furmi doono marka ay madaxda dowlad goboleedyada dalka kasoo laabtaan Aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi oo ka dhacaya gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Ammaanka ayuu sheegay in aad loo xoojiyey, islamarkaana ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb. Dhanka kale waxaa Dhuusamareeb ku sugan ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo qeyb ka ah wejiga 2-aad ee shirka ka dhacaya magaaladaasi, isaga oona xalay kulan hordhac ah la qaatay madaxda maamul goboleedyada dalka. Shirkaan ayaa waxaa la filayaa in diirada lagu saaro xaaladda adag ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka qaranka ee 2020 illaa 2021-ka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites