Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo Garoowe ku soo dhoweeyay Qoor Qoor

Recommended Posts

Deeq A.   
6-7.jpg?w=1000&ssl=1

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye  Qoor Qoor ayaa isna soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Madaxweyne Qoor Qoor waxaa Garoonka Diyaaradaha Garoowe ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Golayaasha Dowladda Puntland.

Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ka qayb-galaya Aaska Qaran ee Garoowe loogu samaynayo Madaxweynihii hore ee Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi.

Sidoo kale waxaa Garoowe soo gaaray Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Guddoomiyaha Aqalka sare oo labaduba ka qayb-galaya Aaska Qaran ee Madaxweynihii hore Puntland.

  • 1-13.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-7.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-9.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-7.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-7.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Deni oo Garoowe ku soo dhoweeyay Qoor Qoor appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this