Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa Kuwee Kooxaha U Soo Baxay Tartankii Lagu Xusayay Laacib Maxamed Xaaji Aadam (Uureey)

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda Jeneraal Daa’uud GYM ayaa guul ka gaartay dhigeeda Somali Sports,iyagoo gaaray fiinalaha tartankii lagu xusayay xidigihii hore LLP Jeenyo Maxamed Xaji  Adam (Uurey) oo daba-yaaqadii 2018 ku geeriyooday magaalada Toronto ee dalka Canada.

MVI_0377.MP4.00_00_06_17.Still001-1024x5

Kulan ciyaareedka ayaa ahaa mid aad u xiiso badan waxaana daawashadiisa ka sooo qeyb galay taageerayaasha labada dhinac waxaana kooxda Jeneraal Daa’uud ay ku adkaadeen 2-1.

MVI_0442.MP4.00_00_08_21.Still001-1024x5

Guddiga soo abaabulay tartankii lagu xusayay marxuuma Maxamed Xaaji Aadam Uurey ayaa u mahad celiyay dhamaan kooxihii iyo ciyaaryahanadii ka qeyb galay,intii uu socday waxayna geesta kale guul u rajeeyeen labada naadi ee soo gaaray fiinalaha. Sequence-09.00_02_30_18.Still001-1024x76

Macallinkii hore Hirshabeele iyo kooxda Saxafi CabdiKuus oo ka mid ah laacibiinta ka qey galay taryankii xiisaha badanaa ee lagu maamusayay marxuum Uurey ayaa bogaadiyay dadkii soo qaban qaabiyay,isagoo sheegay in ay tahay wax aad u wanaagsan in la xasuusto lana xuso halyeeyadii soo maray isboortiga Soomaaliya.

MVI_0467.MP4.00_01_27_05.Still001-1024x5

Si kastaba waxaa kulanka kama dambesyta wada dheelidoona kooxaha kala ah Asal 24 iyo Jeneraal GYM  waxaana kooxda hanata koobkan la siidoonaan abaalmarino qaali ah

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kooxaha Kooxaha U Soo Baxay Fiinaalka

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this