Sign in to follow this  
Deeq A.

Urur Goboleedka IGAD oo war ka soo saaray Doorashooyinka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxda Urur Goboleedka IGAD, ayaa shalay kulan gaar ah ku yeeshay Khadka internet-ka ah (Video-conference), waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyay hannaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u xakameysay ugana hortagtay cudurka safmarka ah ee COVID-19, saameynta xooggan ee cudurkan uu ku yeeshay dalkeenna iyo geeddi socodka siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ee dalka.

Intaas kadib Shirka Madaxda Urur Goboleedka IGAD, waxaa laga soo saaray War War-murtiyeed, isla markaana waxaa lagu bogaadiyay in dalka Soomaaliya ay ka qabsoonto doorasho.

Sidoo kale War-murtiyeedka Urur Goboleedka IGAD, waxaa lag soo dhaweeyay dedaalada Dowladda Federaalka ugu jirto in ay qabato wada hadalo loo dhanyahay oo ay la yeelanayso Dowladaha Xubnaha Ka ah Federaalka.

PUNTLAND POST

The post Urur Goboleedka IGAD oo war ka soo saaray Doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this