Sign in to follow this  
Deeq A.

Wakiilka cusub ee Taiwan u magacawday Somaliland oo kulamo ka bilaabay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Wakiilka cusub ee Taiwan u magacawday Somaliland oo kulamo ka bilaabay Hargeysa

Wakiilka cusub ee Taiwan ay usoo dirtay Somaliland oo kulamo ka bilaabay Hargeysa

Wakiilka cusub ee Taiwan usoo magacowday Somaliland, kadib heshiiskii is-afgarad ayaa maanta magaalada Hargeysa kulan kula yeeshay Wasiirka waxbarashada Somaliland.

Lou Chen-hwa, Wakiilka Taiwan ee Somaliland ayaa kulan la qaatay Wasiirka iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada waxbarashada, iyada oo kulankaasi ku wehlinayay ku-xigeenka wakiilku.

Kulankaasi ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee waxbarashada, iyada oo si gaar ah diirad loogu saaray sidii ay Taiwan uga caawin laheyd ardeyda reer Somaliland sidii ay u heli lahaayen deeqo waxbarasho.

Waxaana dhawaan la filayaa in xukuumada Taiwan ay deeqo waxbarasho siiso ardey reer Somaliland ah, kuwaasi oo u safri doona Jasiirada Taiwan.

Somaliland iyo Taiwan ayaa hore u kala saxiixday heshiis iskaashi oo uu qeyb ka yahay arrinka waxbarashadu, midaasi oo maanta si rasmi ah loo bilaabay dar-dar gelinteeda.

Lou Chen-hwa ayaa hore u ahaa wakiilka Taiwan u qaabilsan dalka Sacuudiga, iyada oo dhawaan xili uu ku sugnaa Hargeysa loo magacaabay xilkan cusub ee ka dhashay heshiiska is-afgarad.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this