Sign in to follow this  
Deeq A.

Cirro Iyo Faysal Oo Kulan La Qaatay Danjiraha Midowga Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Mudane Faysal Cali Waraabe ayaa kulan la qaatay Danjiraha Midowga Yurub Mudane Nicholas Berlanga.


Waxa kulanka lagaga wada hadlay qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo goleyaasha deegaanka, gaar ahaana miisaaniyadda doorashooyinka iyo diwaangelinta codbixiyeyaasha ku baxaysa.


Labada guddoomiye waxa kale oo ay Danjire Nicholas Berlanga kala hadleen sidii Beesha Caalamku u kordhin lahayd kaalmada ay Somaliland siiso ee dhanka horumarinta iyo arrimaha bani’aadannimada.

IMG-20200714-WA0004-1024x768.jpg IMG-20200714-WA0003-768x1024.jpg IMG-20200714-WA0001-768x1024.jpg IMG-20200714-WA0002-1024x768.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this