Sign in to follow this  
Deeq A.

Xarunta dambi baarista ee CID oo maanta dib u shaqo bilowday

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta oo tallaado ah waxaa dib loo furay xaruntii dadka ay ka heli jireen warqadda dambi la’aanta ee CID-da, kadib markii  loo xiray saameyntii ka dhalatay Cudurka COVID-19.

Afhayeeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Dhame Sadiiq Aadan Cali oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in xaruntaas maanta dib loo furay, islamarkaana ay dib u bilaaban doonaa adeegyadii CID –da oo dadweynuhu ay ka heli jireen halkaas.

Dhame Sadiiq Aadan ayaa waxaa uu sheegay in la sameeyay habraacyo cusub iyo isbedello kuwaasi oo bulshada u sahlaya in si fudud loogu adeego.

“Waxaa la sameeyay habraacyo cusub iyo isbedello kuwaasi oo bulshada u sahlaya in si fudud loogu adeego, loogana taxadaro Covid-19 iyo amniga shacabka, weji xir (Masks ayay dadku soo qaadanayaan, shaqaduna waxaa ay bilaabanaysaa 6:00 aroornimo ilaa 12: Duhurnimo ayayna soconaysaa”ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska

Ugu dambeyn waxaa bulshada uu faray in qof walbo uu soo qaato af-xirka (Mask, si loo yareeyo faafitaanka cudurka Coronavirus oo weli ka jiro dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this