Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka Oo Digniin Adag Ka Soo Saartey Laba Kacleynta COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sare u qaadayaa farriin digniin ah oo ku socota maamulada dalalka adduunka iyo dadkaba. “Haddii aan la raacin taxadarka aasaasiga ah, masiibada ayaa ka sii dari doonta oo ka sii dari doonta”, sida uu yidhi agaasimaha WHO Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus khudbad uu ka jeediyay.

Khudbadda, wuxuu dadka ku boorriyay inay kala fogaadaan, gacmahooda dhaqaan, maaskaro wajiga ku xidhaan, dadka xanuunkan dareema oo guryahooda ku sugnaada.

Xanuunka COVID-19 ayaa dalalka qaarkood laba kacleyn ku sameeyey sida dalka Maraykanka, Australia iyo Ruushka. Gobolka kalafoorniya ayaa mar kale xidhey goobaha maqaaxiyha ah iyo baararka cabbitaanka.

Waxaa si weyn casbi looga qabaa xiliga qaboobaha in uu mar kale cudurku gaadho heer ka xun sidii hore.

Dad ka badan 13 milyan oo qof oo caalamka ku nool ayuu ku dhacay Korona Fayras, waxaa u geeriyoodey dad ku dhaw 600 oo kun oo qof.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this