Deeq A. Posted July 14, 2020 Waxaa goordhow garoonka diyaaradaha ee magaalda Baladweyne ee gobolka Hiiraan ku dhacaday diyaarad xamuul ah taas oo ay laheyd shirkad lagu magacaabo Bluebird, oo ka duushay garoonka magalada Muqdisho. Diyaaradda ayaa waxaa ay siday shixnado gargaar ah, oo ku socday dadkii ay saamaysay fatahaadda Baladweyne waxaana laga lahaa wadanka Jabuuti, diyaaradda ayaa dhacday kadib markii la sheegay in gudaheeda dab ka kacay. Diyaaradda oo ku gubanayso gudaha garoonka ayaa waxaan jirin khasaare nafeed oo ka dhashay burburka diyaaradda, waxaana badbaaday duuliyihii iyo caawiyihiisa, ka hor inta aysan diyaarado ku dhicin garoonka. Goobjoog News Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites