Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: diyaarad sidday xamuul oo ku dhacday garoonka Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goor dhow ay diyaarad ku dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee Ugaas Khaliif.

Diyaaradda oo aheyd nooca xamuulka qaada ayaa lagu soo warramayaa inay u kireysneyd Qaramada Midoobay.

Saddex shaqaale oo diyaaradda saarnaa ayaa laga bad-baadiyay, ka hor inta uusan dab ka kicin, sida uu xaqiijiyey sarkaal ka tirsan ciidamada Jabuuti ee ku sugan Beledweyne.

Illaa iyo hadda ma cadda waxa sababay shilkaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:

108840405_3423393514346037_202897493260356239_n IMG-20200714-WA0026-696x522 IMG-20200714-WA0027

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this