Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Galmudug oo faahfaahiyay wejiga labaad ee Shirka Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay shaaciyay in maalmaha soo socda uu si rasmiya u furmi doono Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Khayre oo shirka ku casuman ay ku soo wajahan yihiin Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug halkaas oo uu ka furmayo Shirka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada oo haatan ku sugan Dhuusamareeb ay sii joogi doonaan islamarkaana ay ka qayb-galayaan Shirka Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee ka furmaya Dhuusamareeb.

Shirka waxaa looga arrinsanayaa Doorashada soo socota ee Madaxtinimada Soomaaliya iyo Marxaladda kala guurka ah ee dalku hadda marayo si looga heshiiyo Hannaanka Doorashadaas u dhacayso maadaama lagu fashilmay Qof iyo Cod.

Halkaan ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Galmudug oo faahfaahiyay wejiga labaad ee Shirka Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this