Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo Ciidamo u dirtay Wefdi ka socda Puntland oo ku sugan Buuhoodle

Recommended Posts

Deeq A.   
Sawir-hore.jpg?w=1000&ssl=1Kani waa sawir hore

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Somaliland oo ku hubaysan noocyada kala duwan ee Gaadiidka Dagaalka ayaa ku wajahan degaanno ka tirsan Gobolka Cayn xilli wefdi ka socda Puntland uu ku suganyahay Magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolkaas.

Ciidamada Somaliland oo markii hore watay 9 Gaadiidka Dagaalka ah ayaa 2 kamid ah Shil ku galeen halka loo yaqaanno Tuula Samakaab oo qiyaastii 40 KM dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Shilkaas ayaa sida la sheegayo waxa ka dhashay Khasaare dhaawacyo ah oo gaaray Ciidamadii labada gaari saarnaa waxaana sii gudbay 7 Gaadiidka Dagaalka ah kuwaas oo ku wajahan dhanka Gobolka Cayn.

Wararku waxay sheegayaan in Ciidamada Somaliland ku sii jeedaan Degaannada Ceegaag iyo horufadhi oo ka tirsan Gobolka Cayn si ay halkaas uga hor is-taagaan wefdi ka socda Puntland oo doonaya in ay qayb- ka noqdaan Nabadaynta Degaanka.

Wefdiga Puntland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka Dr Jaamac Faarax Xassan ayaa shalay gaaray Degmada Buuhoodle waxaana ay sheegeen in ay u socdaan Nabadaynta Beelo ku dagaallamay Degaannada Ceegaag iyo Horufadhi.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo Ciidamo u dirtay Wefdi ka socda Puntland oo ku sugan Buuhoodle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this