Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda caafimaadka XF oo shaacisay kiisas la xiriira Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ka bogsoodeen 37 qof oo cusub,  taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 1,343.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 13 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Gobolka Banaadir 1 Puntland 3 iyo Somaliland 9 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 3,072.

Bukaannada cusub 10 ka mid ah waa rag 3-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay ma jirin bukaan u geeriyootay COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 93 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this