Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor-Qoor oo faah faahiyey wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Galmudug ayaa khudbad ka jeediyay xafladda gunaanadka shirka wadatashiga Dhuusamareeb One oo ay ka qeyb galeen madaxda maamul goboleedyada.

Waxaa uu sheegay in shirka maamul goboleedyada uu ku soo dhammaaday si wanaagsan, islamarkaana maalmaha soo socda uu furmi doono wejiga kale oo ay ka soo qeyb-gali doonaan madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya.

“Waxaa noo furmi doona Wajigii labaad oo kasoo qeyb gali doonaan sida aan rajeeneyno Madaxda DFS oo aan rajeeneyno in maalmaha soo socdo noo furmo insha allah”ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Reer Galmudug Warankoodii yaanbeey ka tunteen, waxaan nabad aheyn oo ay ka shaqeynayaan ma jirto hadii dhaxdooda tahay hadii Soomaali dhaxdeeda tahay”

Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ay aqbaleyn dalabkii madaxda dowlad goboleedyada ee ku aadanaa inay ka qeyb galay shir looga tashanayoarrimaha doorashooyinka 2020/2021, kaas oo lagu qabanayo magaalada Dhuusamareeb.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa dhamaantood ku sugan Dhuusamareeb, waxaana qodobada ku jiray Warmurtiyeedkii ay soo saareen ka mid ahaa in madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada ka tashadaan arrimaha doorashooyinka soo socda iyo amniga.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this